Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Itoobiya

0
544

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba.

Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, waxayna kulankooda ku lafo-guri doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada Gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo oo Safarkaan si deg deg ah ugu baxay, ayaa ujeedooyinka ku hoos duugan waxa ay tahay inuu doonaayo ka hor tagga qorshe dowladda Kenya ay doonayso inay ku lumiso awooda Somaliya ay ku leedahay Isbaheysiga Gobolka ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here