Raiisal Wasaare Khayre oo u dhoofay dalka Switzerland

0
586

Raiisal Wasaare Khayre oo u dhoofay dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrimaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka.

Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka.

Somaliya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka sida xun ay uga taagan tahay shaqo la’aanta haysata dhalinyarada, iyadoo ay jiraan dhalinyaro badan oo waxbartay, balse wax shaqooyin ah aanan haynin.

Inta badan Dowladda Somaliya ayaa sheegta inay shaqo abuur u sameynayso dhalinyarada Somaliyed, balse arrintaasi ayaa waxa ay tahay mid aysan dowladda ka dhabeynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here