Gabar Somali ah oo lagu dilay Magaalada Nairobi

0
1067

Gabar Somali ah oo lagu dilay Magaalada Nairobi

Dilka Gabadhaasi yar ayaa waxa uu ka dhacay xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii Magaalada Nairobi dalka Kenya,waxaana gabadha magaceeda lagu sheegay Ismahaan,isla markaana ay la joogtay dad ay ehel ahaayeen.

Ehelka Gabadha waxa ay sheegeen dilkeeda ka dambeysay Haweeney ay qaraaba ahaayeen oo ay la joogtay, islamarkaana la jar jaray, waxana Hooyadeed ay ku nooshahay Xeryaha Qaxootiga Kaakuma halka Aabaheed uu ku nool yahay Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ehelada Gabadha la dilay ayaa waxa ay sheegeen in ilkaa iyo hadda aysan ogeyn waxa loo dilay, waxana ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas, waxana Haweeneydii dilkaasi geysatay Gacanta ku dhigay Ciidamada Booliska Kenya,iyada oo lagu xiray Saldhiga Booliska Bangani.

Waa dhacdo kale oo aad looga naxo kadib dilkii Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas oo 12 jir ahayd,waxaana dhacdooyinkaas ay noqdeen kuwo aad looga hadal haayo Baraha Bulshada ay isticmaasho.

lkaasi loo gaystay dadka shacabka ah ee lagu xasuuqay inta u dhaxeysa deeganada Xaawo Cabdi & Lafoole ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here