FADEEXAD : Ex Wasiir Cadaani Oo Loo Diiday Kaadhka Golaha Dhexe Iyo Shirkii Kulmiye Oo Saaka Ka Furmaya Boorama

0
1783

FADEEXAD : Ex Wasiir Cadaani Oo Loo Diiday Kaadhka Golaha Dhexe Iyo Shirkii Kulmiye Oo Saaka Ka Furmaya Boorama

Borama (Dalmar-News):_ Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa shirkii 6aad ee golaha dhexe uu maanta uga furmayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Warar rasmi ah oo soo baxay ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland  Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani uu waayay kaadhka Xubinimada golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in ex Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo hore uga mid ahaa xubnaha Golihii Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo rajaynayay in uu shirkaasi ka qayb galo ay xaaladdu ku xumaatay kadib markii uu gabi ahaanba iska dhex waayay liiska xubnaha Golaha dhexe ee isku diyaarinaya in uu shirkaasi ka qayb galo kaasi oo si rasmi ah u waayey kaadhkii ka qayb galka shirka.

Sababta ugu weyn ee ex wasiir Cadaani u waayey xubinimada golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dadka qaar ku fasireen inay sababtay shaacintii uu sameeyey ee ku saabsanayd inuu hunguri kaga jiro hogaaminta xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi dabadii.

Waxa kale oo wararku sheegayaan in ex Wasiir Cadaani uu xubinimada golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ku ahaa xilkii wasiirnimo ee uu hayey  balse haatan aanu u banaanayn boos uu ka helo golaha dhexe sida uu qabo xeer u yaala xisbiga kulmiye oo sheegaya in wasiir kasta oo ka mid noqda xukuumada xisbigu uu ka mid noqonaya golaha dhexe mudada uu hayo xilka, hadii xilka laga qaadana uu si toos ah uga baxayo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Ex wasiir Cadaani ayaan ilaa hada qaadin wax talaabo ah iyada oo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye-na uu goor dhaw ka furmayo magaalada Boorama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here