Diyaarado dagaal oo duqeyn ka gaystay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose

0
601

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka gaystay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose

Diyaarado dagaal ayaa xalay Saqdii dhexe waxa ay duqeymo dhinaca cirka ah ka gaysteen saldhigyo ay Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntaan ayaa waxaa lala beegsaday deegaano Shabaab ay joogeen, kuwaasi oo kala ah Kuunya Barow, Janaale, & Awdheegle oo dhamaantood ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha xalay diyaadaraha ay la beegsadeen saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobnolka Shabeellaha hoose,balse dad ku sugan Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen jugta gantaalada ay diyaaradaha wax ku duqeynayeen.

Al-Shabaab oo duqeymahaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanka Kuunya-Barrow ay ku geeriyoodeen dad Shacab ah oo gaaraya ilaa saddex ruux,hayeeshee majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegay inay dib ka faah faahin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee Shabaab ka soo gaaray duqeyntaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here