Dumar badan oo la guursado ma barwaaqo ayaa ku jirto?

0
1052

Dumar badan oo la guursado ma barwaaqo ayaa ku jirto?

Daraasad la sameeyay ayaa muujineysa in caruurta kala bahda ah ay wanaagsan yihiin marka la barbar dhigo kuwa isku bahda ah.

Daraasaddan oo uu sameeyay David Lawson oo katirsan mac-hadka nadaafadda ee London School of Hygiene oo soo xiganaya mac-hadka kale ee National Academy of Sciences journal ayaa tusaale usoo qaatay dalka Tanzania oo uu sheegay in ragga guursaday dumar badan ay ka hanti badan yihiin ragga qaba hal xaas oo kaliya.

“Caruurta ay dhalaan ragga dhowrka xaas leh waa ay ka wanaagsan yihin caruurta kale ama haddii aysan ka wanaagsaneyn na waxay lamid yihiin caruurta kale oo marnaba kama hooseeyaan”. Sidaasi waxaa Thomson Reuters Foundation u sheegay David Lawson.

Waxaa kale oo daraasadda lagu oggaaday in xaasaka ugu horreeya ee uu ninka guursado isla markaana la nool ay ka cunto wanaagsanaan jireen qoysaska ka kooban hal nin iyo hal xaas.

Warbixintan ayaa muujisay in bah-yarta iyo ilmaheeda aanay helin cunto lamid ah tan bah-weynta, balse ay isku cunto yihiin ragga hal xaas la yaasha.

Lawson ayaa sheegay in inkasttoo ay jirto kalmad marwalba ay adeegsato Qaramada Midoobay oo ah in xaasas badan oo la guursado aysan u wanaagsan dunida haddana daraasadan ay muujineyso wax ka duwan waxa Qaramada Midoobay ay aaminsan tahay.

.
Image captionQowmiyadda Masai da

Daraasadan oo diiradda lagu saraay dalka Tanzania ayaa waxaa ay sheegeysaa in mid kamid ah afartii haween ah ee la guursdayba ay leedahay haweeney kale oo lala qabo, waxaana dumarka Masai-da ee dalkaasi ay oggolyihiin in ragga hantida leh ay xaasas kale ka daba keenaan.

Lawson ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay xitaa dhaqaale ahaan u wanaagsan tahay dumarka, madaama aysan waxba gacanta ugu jirin marka la eego dhaxalka.

” Dumar badan oo la guursado mararka qaar dhaqanka way ku fiican tahay , iyadoo la eegayo awooda dumarka aysan u laheyn inay maamulaan dhaqaalaha”.

Hasayeeshee daraasaddan ayaa waxay kasoo horjeedaa heshiiska Qaramada Midoobay ee sheegaya in dumarka oo lala guurado aysan marnaba wanaagsaneyn.

Heshiiska Qaramad midoobay ee dhigaya in la ciribtiro cunsuriyadda ka dhanka ah haweenka ayaa waxaa uu sheegayaa in la guursado wax ka badan hal xaas aysan arrin fiican ahayn loona baahan yahay in meesha laga saaro, sababtoo ah waxay caddaalad darro, niyad jab ku tahay isla markaaana saameyn dhaqaale ku yeelaneysaa haweenka iyo caruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here