Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay 17 dhalinyaro ku eedeysan Shabaab

0
601

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay 17 dhalinyaro ku eedeysan Shabaab

Booliska dalkaasi Kenya ayaa sheegay inay 17 dhallinyaro Kenyan oo lagu tuhunsan yahay inay ku sii jeedeen Somaliya, si ay ugu biiraan Al Shabaab ay maalintii Axadda ee la soo dhaafay ku qabteen Degmadda Sambuuru oo ku taalla Bartamaha Waqooyi ee dalkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxa Boliska ee Degaankaasi, John Kembooy oo la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen  15 nin iyo 2 haween, oo da’doodu u dhaxeyso 18 jir illaa 27-jir, kuwaasi oo la sheegay in lagu hayey dhismo u dhow Suuqa Degmadda Samburu.

Waxa uu intaasi ku daray inay 4 ka mid ah dadkaasi soo dhamaysteen Tacliinta Dugisyadda Sare iyo kuwa dhexe, halka inta kale uu sheegay inay ku dhaceen Waxbarashadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Dhallinyaradaasi Kenyaanka oo ka soo kala jeeda Deegaanadda Tana River, Kilifi, Nakuru, Baringo iyo Kisii ayaa la sheegay in maanta la soo taagi doono Maxkamad ku taalla Degmadda Kawaale ee Gobalka Xeebta ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here