DAACISH oo xabsiga dhexe ku dhaawacday Nin AJnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska.

0
593
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

DAACISH oo xabsiga dhexe ku dhaawacday Nin AJnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Laba kamid ah Maxaabiista DAACISH ee ku xiran Xabsiga dhexe ayaa weeraray Nin AJnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, Kaasoo  Todobaadkii hore lagu xiran Xabsiga Dhexe, markii laga soo wareejiyay Xarunta Baarista Danbiyada ee C.I.D.

Ninka la weeraray oo lagu magacaabo Anthony Thomas, ayaa lagaarsiiyay dhaawac dhinaca Qoorta ah, iyadoo xubnaha DAACISH ay weerarka u adeegsadaan Sakiin oo ay qoorta uga qaleen Ninkan Ajnabiga ah.

XUbno ku dhodhow Xabsiga Dhexe, ayaa ku soo waramaya in durba xaaladiisa Caafimaad lala tacaalay Ninka AJnabiga ah, kaasoo Qoorta laga qalay, waxaana hada soo baxaya warar sheegaya in Maxbuuska la dhaawacay la qorsheynayo in Xabsiga Dhexe laga wareejiyo ama Xukunkiisa la dadajiyo.

Xubnaha weerarka geystay oo falal Argagixisenimo loo soo qbatay, ayaa Xabsigii ay ku xirnaayeen ka geystay weerar kale iyo isku day dil, taasoo ah mid dadka Baraha Bulshada Isticmaala ay aad u hadal hayaan.

Si kastaba, 21-kii bishan Nin Ajnabi ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo looga shakiyay iney yihiin waxyaabaha  qarxa, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here