Madaxweynaha Somaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo si wayn Garowe loogu soo dhaweeyay

0
566

Madaxweynaha Somaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo si wayn Garowe loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Somaliya & wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray Magaalada Garowe, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Siyaasiyiin fara badan oo Somali ah, si ay uga qayb galaan Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana intaasi kadib hadal kooban uu Saxaafadda siiyay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay tagitaankiisa Garowe markii labaad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland oo sideedii Bishan lagu doortay Magaalada Garowe.

Shacabka Puntland ayuu si wayn uga mahadceliyay habka ay u soo dhaweeyeen Wafdiga Madaxweynaha oo saacado badan dariiqa ay u taagnaayeen.

Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland, ayaa caawa ka qabsoomaysa Madaxtooyadda Puntland.

Goor sii horeysay Garowe waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madasha Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ayaa noqotay goob kulmisay Siyaasiyiin aan isku faraxsaneyn, mudana goob isugu imaanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here