Maxkamad ku taal Mareykanka oo xukun dheer ku riday Cadaan weeraray guryo Somali degan yihiin

0
536

Maxkamad ku taal Mareykanka oo xukun dheer ku riday Cadaan weeraray guryo Somali degan yihiin

Xaakim heer Federaal oo lagu magacaabo Eric Melgren ayaa waxaa uu xili xabsiyeed aad u dheer ku kala xukumay Saddex eedeysane oo cadaan ah kuwaasi oo ku eedeysanaa in Bambaanooyin ay ku weeraren Masjid iyo dhismo guri u ahaa Soomaali Qaxooti ku ahaa Gobolka Kansas ee dalkaasi Mareykanka 2016’kii.

Melegren waxa uu min 25 sano oo xili xabsiyeed ah ku xukumay Curtis Allen iyo Gavin Wright, halka Patrick Stein lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah.

Ifrah Farax Gabar lagau magacaabo kana mid ah Soomaalida degta Kansas ayaa Maxkamada ka sheegtay in Soomaalida ay yihiin dad nabada jecel oo aanan xiligani usoo jeedin in ay ka fal celiyaan weerar kaga yimaada cadaanka jinsiga neceb.

Ragaan Saddexda ah ee la xukumay ayaa codsaday in wax laga dhimo sanadaha la xukumay, waxa ayna sheegeen in ay ka xun yihiin wixii ay ku kaceyn ayna dib dambe ugu laaban dooniin.

Taliyaha Booliska Kansas ayaa isna dhankliisa Maxkamada ka sheegay in maxkamadeenta ragan ay sidoo kale direyso fariin kale oo ah in aanan loo dulqaadan doonin in la heyb sooco muhaajiriinta Soomaalida ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here