Ammaanka Garowe oo aad loo adkeeyay iyo Madaxweynaha Puntland oo maanta la caleemo saarayo

0
538

Ammaanka Garowe oo aad loo adkeeyay iyo Madaxweynaha Puntland oo maanta la caleemo saarayo

Magalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah ay ka dhacdo munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Shalay Magalada Garoowe waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadeed qaarkood, gaar ahaan Xisbiyada  ay kala hoggaamiyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Amniga Magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kusii qul qulaayay dad u badan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda  federaalka oo Garoowe u arka inay tahay Goob ay kusoo bandhigi karaan dhaliilaha ay u qabaan dowladda Soomaaliya.

 Madaxda Puntland ayaa isku dayaya xakameynta khudbadaha musharixiinta,waxaana shalay jirtay in taliyaha Booliska iyo Wasiirka warfaafinta ay si wadajir ah u sheegeen in aan la baahin karin wararka Xisbiyada ,sidoo kalena lasoo bandhigi karin astaamo iyo waxyaabo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here