Turkiga oo xaqiijiyay in qaramada midoobay ay ka qeyb qaadan doonto baaritaanka dilkii Khashoggi

0
547

Turkiga oo xaqiijiyay in qaramada midoobay ay ka qeyb qaadan doonto baaritaanka dilkii Khashoggi

Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday in baarayaal caalami ah oo ka socda qaramada midoobay ay dhowaan soo gaari doonaan magaalada Ankara si ay uga qeyb qaataan falkii sanadkii hore lagu qaarijiyay wariyihii sacuudiga ee Jamal Khashoggi.

Wasiirka arimaha dibeda Turkiga Mevlot Covusoglu ayaa sheegay in la gaaray waqtigii baaritaan caalami ah lagu sameyn lahaa dilka saxafigii sacuudiga loogu geestay magaalada Ankara ee dalka Turkiga labadii bishii October ee sanakii la soo dhaafay.

Dilka Jamaal ayaa ka dhacay dhismaha qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Ankara waxaana fuliyay 15 oo dowlada Turkiga sheegtay in ay ka soo safreen sacuudiga deetana ka baxsaday Turkiga.

Dilka Jamal ayaa lagu tuhmayaa in uu soo amray dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan kaasi oo la kulmaya dhaleeceyn caalami ah ,balse waxaa gaashaanka u daruurtay boqortooyada sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here