3 Qof oo Teknoolojiyada Ka Ganacsada oo Markii Ugu Horreysay Ugu Sare Maray Liiska Kala Sarreynta Taajiriinta Adduunka

0
1053

3 Qof oo Teknoolojiyada Ka Ganacsada oo Markii Ugu Horreysay Ugu Sare Maray Liiska Kala Sarreynta Taajiriinta Adduunka

Mark Zuckerberg aasaasaha iyo maamulaha fulinta ee shirkadda Facebook , ayaa horumar weyn ka sameeyay liiska kala sarreynta dadka ugu taajirsan Adduunka, waxa uu ka sare maray Warren Buffett ninkii saddexaad ee Adduunka ugu taajirsanaa oo uu kaalinta kala baxay, iyadoo ay jirto in shirkadda Facebook ay dhibaatooyin farabadan dhex gashay bilihii la soo dhaafay ayaa hadana arrintaasi aaney ka hor istaagin inuu helo lacag gaareysa $81.6 bilyan oo doolar.

Waxa uu hadda ka dambeeyaa aasaasaha Amazon Jeff Bezos oo ah ninka ugu taajirsan Adduunka iyo aasaasaha Microsoft Bill Gates, hantida teknoolojiyada ayaa gaareysa $5 trillion waa sida uu sheegayo tilmaamaha Bloomberg indexes, waana lacag ka badan sector kasta oo kale.

Hantida 3 nin ee ugu taajirsan Adduunka

  1. Jeff Bezos, aasaasaha iyo maamulaha fulinta Amazon oo helay $139.6 billion.
  2. Bill Gates aasaasaha shirkadda Microsoft, hantidiisu waa $92.3 billion.
  3. Mark Zuckerberg, milkiilaha iyo maamulaha fulinta shirkadda Facebook $81.6 billion oo doolar.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here