Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland

0
603

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here