Qaramada Midoobey oo baareysa waxa sababay in Soomaaliya laga eryo Nicholas Haysom.

0
562

Qaramada Midoobey oo baareysa waxa sababay in Soomaaliya laga eryo Nicholas Haysom.

Golaha Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in ay baaritaan ku sameynayaan waxa sababay in dalka Soomaaliya laga eryo Wakiilkii xoghayaha Guud ee Soomaaliya.

Ku xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Farxaan Xaaq, ayaa sheegay in Goluhu uu baaritaan ku sameynayo halka ay isku qabteen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Nicholas Haysom.

“Waan fiirineynaa, waana hubineynaa, waxa sababay arrintan, dhinacyo badan ayaan faah faahinta ka raadineynaa, wixii ka soo baxa ayaan ku camal fali doonaa,waxaana dib ka soo sheegeynaa tallaabooyinka xiga ee la qaadayo” ayuu yiri Farxaan Xaaq.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya Talaadadii, waxey go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, saacado kaddib markii uu soo saaray warqad uu ku dalbanayo in sharaxaad laga bixiyo dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo xariggii Mukhtaar Roobow, kaasoo loo diray Wasiirka Amniga.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana shaqeyn karin, taasoo macnaheeda tahay in dalka laga eryay (Persona Non Grata)

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey, si bareer ahna u farageliyay Madax bananida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here