ONLF oo ku dhowaaqday inuu ka qeybgalayo doorashooyinka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
obiya.
Xoghayaha Arrimaha dibadda ee ONLF Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey) ayaa sheegay in doorashooyinka dhici doona dhowaan ay ka qeybgali doonaan.
“Waxaan iskaashi la sameyn doonaan xisbiyo kale waxaana aan ka qeybgalaynaa doorashooyinka soo socda ee dhacaya.”ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibada ee ONLF.
Jabhada ONLF ayaa dagaal kula jirtay ciidamada Itoobiya muddo dheer hase yeeshee horaantii sanadkan markii uu xukunka dalka Itoobiya la wareegtay Abiy Ahmed ayay heshiis xabad joojin ah la gashay iyagoo oggolaaday inay dhigaan hubka.