Ciidamada Milatariga oo 7 ruux ku toogtay degmada Baardheere

0
688

Ciidamada Milatariga oo 7 ruux ku toogtay degmada Baardheere

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Dowladda Soomaaliya  ay  toogasho ku dileen  7 qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen  Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 49aad ee Miltariga Soomaaliya Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay fulinayaan go’aankii  dhawaan ka soo  baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

Raggan la toogtay ayaan wax maxkamad ah la soo taagin iyadoo ururka  Al-Shabaabna ay beeniyeen in ayka tirsanaayeen raggaas la toogtay.

Saraakiisha Ciidanka ee degmada Baardheere ayaa sheegay in maxkamad aysan marsiin raga la toogtay , waxaa ayna arintaasi u sababeeyeen kadib markii dhawaan uu  go’aan  ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

Magacyada Raggan toogashada lagu fuliyay iyadoo aan maxkamad la soo taagin ayaa kala ah.

1.Saleebaan Maxamed Sheekh

  1. Maxamuud Maxamed Buule
  2. Maxamed Cabdi Cali.
  3. Maxamed Yuusuf Isaaq
  4. Aadan Carabeey Xalane.

6.Maadeey Xaaji Macalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here