Midowga Yurub oo sheegay inay hakinayaan taageerada ay siiyaan Booliska Koonfur Galbeed

0
614

Midowga Yurub oo sheegay inay hakinayaan taageerada ay siiyaan Booliska Koonfur Galbeed

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu hakad gelinaayo kaalmada uu siiyo Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Midowga Yurub, Germany iyo UK ay sheegeen in xadgudub loo geystay dad rayid ah oo ku banaanbaxayay Baydhaba.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa warqad u qoray Wasiirka Wasaaradda amniga dowladda Federaalka ah taas oo uu ku sheegayay in Dowladda Federaalka ah caddeyso sharciga loo maray Xarigga Mukhtaar Roobow, taageerayaashiisa lagu dilay Baydhaba ee gaarayay 15-ka qof iyo 300 Qof oo oo Xabsiga la dhigay.

Waxaa uu Mr Nicholas Haysom, sheegay in dalalka Yurub, UK iyo Germany ku wargeliyeen in ay hakinayaan kaalmada Booliska Koofur Galbeed iyaga oo sheegay in aysan bixineyn kaalmo lagu dhibaateynayo dad rayid ah.

Inta badan dadkii loo xir xiray Rabshadihii Badhabaya ka dhaca intii u dhaceysay 13 ilaa 18kii December sanadkii la soo dhaafay ayaa xabsiyada laga sii daayay, waxaa ay ka careysnaayeen xarigga Dowladda Soomaaliya u geysatay Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa musharrixiinta Koofur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here