Qaramada Midoobey oo shaki gelisay sharciyadda xarigga Mukhtaar Roobow

0
620

Qaramada Midoobey oo shaki gelisay sharciyadda xarigga Mukhtaar Roobow

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga soo billaabo 13-kii ilaa 15-kii bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Nicholas Haysom oo warqad u qoray wasiirka amniga ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayaa ka hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, 13-kii bishii Diseembar, iyo dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo sidoo kale dhaawaca laba qof oo kale.

Arrinta kale ee lagu xusay warqaddaasi ayaa ah xarigga 300 oo qof oo kale oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dibadbaxyo ka dhashay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow oo qaarkood la sheegay in xabsiga lagu hayay wax ka badan 48 saac balse markii dambe la sii daayay intii u dhaxaysay Diseembar 18 ilaa 22.

Sida ku cad warqadda uu wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom u qoray wasiirka amniga Soomaaliya, dadka ay ciidamada ammaanku u qab-qabteen rabshadihii ka dhacay Baydhabo ayaa inta badan ahaa carruur.

ROOBOWLahaanshaha sawirkaSBC

Xariga Mukhtar Roobow

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo bilo ka hor si nabad ah isugu soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya ka qabatay magaalada Baydhabo. Roobow ayaa u tartamayay madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya balse dowladda federaalka ayaa si weyn uga soo horjeesatay musharraxtinimada Roobow oo ka tirsanaan jiray xarakada Al-Shabaab.

Xarigga Roobow ayaa waxaa markiiba ka dhashay rabshado hareeyay magaalada Baydhabo, iyadoo taageerayaashiisa iyo ciidamada ammaanku ay ku dagaalameen gudaha magaalada.

Xiisadda ka dhalatay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow oo dowladda ay ku sheegtay in uusan fulin shuruudihii uu la galay markii uu isa soo dhiibayay ayaa ka caraysiiyay siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

MursalLahaanshaha sawirkaVILA SOOMAALIYA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dowladda ugu baaqay iney degdeg u sii deyso Shekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu-Mansuur.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay: ”Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in la dooran karo waxna uu dooran karo, Mukhtaar Rooboowna waa muwaaddin Soomaaliyeed oo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharraxa sida ay caddeeyeen guddiga doorashada ee Koonfur galbeed isla-markaana guddoonsiiyey shahaada musharraxnimo oo ah inuu u tartami karo doorashada ka dhaceyso Koonfur Galbeed.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibanaada barlamaanka ee Dowladda Federaalka ayaa dowladda ugu baaqay inay Mukhtaar Roobow u oggolaato in uu ka qeyb galo doorashada, hase yeeshee dowladda ayaa iska indha tirtay baaqaasi, waxaana markii dambe madaxweynaha Koonfur galbeed loo doortay Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen.

LaftagareenLahaanshaha sawirkaGOOBJOOG

Taageerada booliska Soomaaliya

Nicholas Haysom ayaa sheegay in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xirantahay ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha, haatanna Qaramada Midobay ay taageerto ciidamada booliska dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Haysom ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub, Jarmalka iyo UK ay ku wargeliyeen in ay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed sababa la xiriira hab-dhaqanka ciidankaasi ee xilligii doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi iyo hadallo sida uu sheegay uu jeedyey taliyaha booliska maamulkaasi.

Warqadda Nicholas Haysom, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, ayaa u muuqata mid shaki gelinaysa sharciyadda xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxa uuna sheegay in warar lagu kalsoon yahya ay u sheegeen in ciidamo Itoobiyaan ah ay gacan ka geysteen qabashda Roobow.

Hawlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa horay u beeniyay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku lug la haayeen qabashada Sheekh Mukhtaar Roobow.

ITOOBIYAAN

Balse dad goobjoogeyaal ah iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay qabteen Sheekh Mukhtaar Roobow isla markaana ay jirdil u geysteen.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in haddii la xaqiijiyo eedeymahaasi ay yihiin kuwo culus, waxa uuna warqaddiisa ku xusay in ilaa haatan aanan Sheekh Mukhtaar Roobow la hor geyn maxkamad oo aan lagu soo oogin dambi, sidaa awgeedna waxa uu dalbaday in sharaxaad laga bixiyo sharciga loo cuskadaay xarigga Roobow iyo suurtagalnimada in ciidamo Itoobiyaan ah ay gacan ka geysteen xariggiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here