Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo kormeeray Xeryo Ciidan oo ku yaal Kismaayo+SAWIRO

0
566

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo kormeeray Xeryo Ciidan oo ku yaal Kismaayo+SAWIRO

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  ee ayaa goor hore oo saaka ah kormeer ku tagay qaar ka mid ah Xarumaha Ciidamada Nabadsugida Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Askarta iyo Saraakiisha uu halkaas kula kulmay ku booriyay in ay laba laabaan dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda hawlgalada socda ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood ahaan aad u liitaan oo aysan hor istaagi karin Ciidamada howlgalada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dar dar leh loo wado.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka wali ku jira gacanta cadowga ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xoriyada looso celin lahaa ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmahan dambe wuxuu wadaa kormeerka uu ku tagaayo Xeryaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland si dhiiragelin ballaaran loogu sameeyo Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here