Turkiga oo dowladda Somaliya ka dalbaday dib u bilaabida wada hadaladii Somaliland

0
666

Turkiga oo dowladda Somaliya ka dalbaday dib u bilaabida wada hadaladii Somaliland

Safiiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga Maxamed Cabdullahi Jaamac, ayaa sheegay in wada hadallada Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland uu dib u billaabanayo.

Jaamac ayaa Magaalada Ankara kula kulmay Danjirihii hore ee Turkiga u joogay Muqdisho Olgan Bekar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha ay sida gaarka ah kulankaas ugu lafa gureen waxaa ka mid ahaa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, qibradda Baker uu ka qaatay Soomaalida intii uu danjiraha ahaa iyo wada hadalka dowladda dhexe iyo Somaliland.

Danjire Jaamaca ayaa sheegay in Olgen uu soo jeediyay in wadahadallada dib loo billaabo si loo dhameeyo kala aragti duwanaanta Soomaalida, waxaana uu xusay in uu u ballan qaaday in wada hadallada ay dib u billaaban doonaan.

Sidoo kale waxaa uu Bekar u ballan qaaday wada shaqeyntii iyo soo dhaweyntii uu isaga ku heystay Muqdisho la siinato danjiraha cusub ee Turkiga u magacaabay Soomaaliya oo hadda Muqdisho ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here