Shabaab oo sheegtay inuu dirqi kaga baxsaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan kadib weerar wadada ay ugu galeen

0
576

Shabaab oo sheegtay inuu dirqi kaga baxsaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan kadib weerar wadada ay ugu galeen

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya Xoogaga Shabaab ayaa wadada u galay kolonyo uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo ka ambabaxay Magaalada Baledweyne.

Kolonyada uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in wadada loogu galay inta u dhaxeysa Degmada Maxaas iyo Magaalada Baledweyne, islamarkaana iska hor imaad kooban uu dhexmaray Shabaab iyo ciidankii Gudoomiyaha la socday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo la socda Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay ciidan aan sidaasi u badneyn oo Shabaab ka tirsan inay rasaas ku soo rideen kolonyada gaadiidka, islamarkaana ciidamada ay u jawaabeen.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa ku sii jeeda Degmada Maxaas oo deegaano ku dhaw maalmahan ay ka dhacayeen dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan, waxayna sheegeen si dirqi ah inuu kaga badbaaday weerarka ay ku qaadeen.

Al Shabaab ayaa inta badan ku sugan duleedyada Magaalada Baledweyne, halkaasi oo ay ku ugaarsadaan Ciidamada dowladda iyo masuuliyiinta Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here