Dad ku dhintay rabshado ka dhacay dalka Suudaan

0
568

Dad ku dhintay rabshado ka dhacay dalka Suudaan

Ugu yaraan lix qof ayaa la dilay, tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen mudaharaadyo ka dhacay dalka Suudaan, kuwaa oo ka dhashay sarakac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka.

Masuuliyiinta gobolka Qadhaarif ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah, waxaana lagu soo rogay bandow laga billaabo 6-da maqribnimo illaa 6-da subaxnimo.

Booliska dalkaasi Suudaan ayaa shalay oo khamiis ahayd sidoo kale kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay gudaha magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi iyo magaalooyinka kale.

Dibadbaxyadani ayaa maalintii arbacada ahayd ka billaabmay magaalada Cadhbara, oo iyana sidoo kale looga dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo lagu magacaabo, Mubaarak Al-Nuur, ayaa booliska ugu baaqay in aysan isticmaalin xoog xad dhaaf ah, si ay u kala diraan dadka dibadbaxayada dhigaya, waxa uuna sheegaya in dastuurka dalkaasi uu muwaadiniintu xaq u siinayo in ay dhigaan dibadbaxyo.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dibadbaxayaashu in aysan burburin hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay isla markaana ay sameeyaan dibadbaxyo nabadeed.

“Xaaladda Qadhaarif ayaa noqotay mid halis ah, waxaana dadka dibadbaxayaasha ahi ay ku lug yeesheen toogasho iyo dhac oo waxa ay bexeen faraha,” ayuu yiri xildhibaan Al-Nuuri.

Maxaa sababay dibadbaxyada?

Muddaaharaadyadu ayaa maalintii arbacada ahayd ka billowday magaalada Cadhbara, ka dibna shalay oo Khamiis ahayd ayay ku faafeen Qadhaarif, Khartuum iyo magaalooyin kale ee dalkaasi Suudan. Dadka ayaa ka cabanaya sarakaca ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka.

Qiimaha rootiga ayaa dhawaan sarakacay, waxaana dhanka kale sii korodhayay rajada ay dadku ka qabeen dowladda maadaama ay dowladdu gacan ka geysanaysay kabidda badeecooyinkaasi.

Dibadbaxayaashu ayaa gubay xarumo ay leedahay dowladda iyo goobo gaar ah, oo ay ku jirto xarunta dhexe ee xisbiga haya talada dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mudaaharaadayaashu ay ku dhawaaqeen slogans oo ku baaqay in ay afgembiyaan xukuumadda Madaxweyne Cumar al-Bashiir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in boolisku ay suntan dadka kaga ilmeeysiiya ku riday in ka badan 500 oo qof oo dibadbaxayaal ah oo shalay oo khamiis ah isugu soo baxay meel hal kilomitir u jirta qasriga madaxtooyada ee magaalada Khartuum.

Dibad-baxayaashu ayaa ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah dowladda sida dowladda ha dhacdo.

SUUDAANLahaanshaha sawirkaTWITTER

Dibadbaxyo kale ayaa sidoo kale ka dhacay magaalada waqooyiga ee Donqola.

Xisbiga haya talada dalkaasi ayaa sheegay in wax laga shallaayo ay tahay in quwado shisheeye ay gadaal ka riixayaan mucaaradka isla markaana ay doonayaan in la wiiqo ammaanka dalka iyo xasilloonida, isla markaana la burburinayo hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay.

Sarkaalka dhanka warfaafinta u qaabilsan xisbigaasi ayaa sheegay in shacabku xaq u leeyahay in uu muujiyo ra’yigiisa si waafaqsan dastuurka, hase yeeshee aan marnaba la aqbali karin khasaare in la gaarsiiyo dalka.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dibadbaxyadii ka dhacayay magaalada Cadhbara aysan ahayn kuwo nabadeed.

Sidee ayay ciidamada amnigu ula dhaqmeen dibadbaxayaashu?

Ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa rasaas iyo sunta dadka kaga ilmeeysiiya u adeegsaday in ay ku kala eryaan boqolaal qof oo dibad-baxayaal ahi oo shalay oo Khamiis ahayd isugu soo baxay waddooyinka oo ku yaal duleedka magaalada Cadhbara.

Mas’uuliyiinta ayaa xaalad deg deg ah geliyay magaaladaasi ka dib markii dad muddaharaadaya ay dab qabadsiiyeen xarunta xisbiga talada haya ee magaaladaasi, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka River Nile.

Mas’uuliyiinta ayaa amar ku bixiyay in dugsiyada la xiro ka dib markii bandow lagu soo rogay Cadhbara.

SUUDAANLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Ra’iisulwasaare Muctaz Muusa ayaa sheegay in dowladdu aysan kordhin doonin kharashkii ay ku kabi jirtay waxyaabaha rootiga iyo shidaalka maadaama buu yiri qoysaska dan yarta ahi ay weli awoodaan in waxyaabaha daruuriga ahi ku iibsadaan qiimo aad u yar.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa magaalada Port Sudan, oo ku taal bariga dalkaasi, waxaa isu soo baxay dad badan oo dibadbaxyo dhigaya oo ay ku jiraan ardayda dugsiyada sare iyo jaamacadaha .

Booliska ayaa suntan dadka kaga ilmeeysiisa ku kala eryay dadkaasi dibadbaxayaasha ahi.

Dad goobjoogeyaal ahi ayaa BBC u sheegay in dibad-baxayaashu ay ka careysnaayeen sare kaca ku yimid maciishadda waxa ayna dalbanayeen in dowladdu la afgambiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here