Al-shabaab oo iclaamisay dagaal ka dhan ah Daacishta Soomaaliya

0
573

Al-shabaab oo iclaamisay dagaal ka dhan ah Daacishta Soomaaliya

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku baaqday dagaal ka dhan ah kooxda kale ee jihaadiga ahi ee daacish ee ka hawlgasha qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali dheere ayaa kooxda daacish ku tilmaantay “cudur halis ah iyo kaansar”.

Bayaankani ka soo baxay hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa looga hadlay waxa shaababku ay ku tilmaameen dhibaatooyinka iyo gabood fallada kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Bayaankan oo uu akhriyey afhayeenka Al-Shabaab, Sheykh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) isla markaana lagu baahiyay shabakadaha u janjeera dhanka Shabaabku ayaa lagu sheegay “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.”

Shekh Cali Dheere ayaa daacish ku eedeeyay “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.”

Sheekh Cali dheereLahaanshaha sawirkaBBC WORLD SERVICE
Image captionAfhayeenka ururka Al-shabaab Shekh Cali Dheere

Wuxuuna intaasi ku daray “in Al-Shabaab ay in muddo ah u dulqaadanaysay daacish, balse sida uu sheegay haatan dulqaadkaasi ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo in daaicshku ku sii talax-tagaan waxa uu ugu yeeray dulmiga ay ku jireen.”

Shekh Cali Dheere ayaa sidoo kale kooxdaasi Daacish ku eedeeyay “in ay gabaad u noqotay waxa uu ku tilmaamay Jawaasiista maamullada riddada, taa oo u muuqata in uu ula jeedo dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya.”

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad uu ku sheegay “canaasir oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo sida uu sheegay maleegayey dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo xubno ka tirsan kooxdiisa Al-Shabaab.”

Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaabLahaanshaha sawirkaSOMALIMEMO
Image captionDagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab

Geba-gebada bayaankiisa ayuu afhayeenka Al-shabaa Shekh Cali Dheere wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish wuxuuna yiri:

“Hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhammaan ciidamada uruka iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan waxa uu ku tilmaamay cudurka dilaaga ah oo uu ula jeedo Daacish.

Cali Dheere waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dagaalamayaasha kooxdiisa in ay salka ka jaraan waxa uu ku tilmaamay kansarka la doonayo buu yiri in lagu beero safka Mujaahidiinta.

Dagaallamayaasha Daacishta SoomaaliyaLahaanshaha sawirkaISLAMIC STATE PROPOGANADA
Image captionDagaallamayaasha Daacishta Soomaaliya

Bayaanka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmayo iyadoo dhawaan kooxda daacish ay sheegtay in deegaanada Puntland ay ku laysay dhawr ka tirsan al-shabaab.

Kooxda Daacish ayaa isku dayeysa in ay Shabaabka ku ciriiriso gudaha Soomaaliya waxa ayna ka hawl gashaa qaybo ka mid ah Soomaaliya, sida magaalada Muqdisho.

Shabaab iyo Daacish ayaa marar hore ku dhex dagaalamay gudaha Soomaaliya, waxaa dadka u dhuun daloola kooxaha mintidka ahi ay dagaalladaasi ku tilmaameen tartan dhanka awoodda ah balse haatan waxaa muuqanaya in dagaalkooga uu salka ku hayo mabaa’dii.

Bayaanka al-shabaab iyo warkan ka sii horreeyay ee Daacish ayaa ka dhigan in Soomaaliya uu haatan ka curtay dagaal kale oo u dhaxeeya kooxahani islaamiyiinta ahi oo markii horeba isu baheysanayay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here