Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo maanta soo fariisan doona Xafiiskiisa Villa Hargeysa si uu Saxaafada ula hadlo.

0
1073

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo maanta soo fariisan doona Xafiiskiisa Villa Hargeysa si uu Saxaafada ula hadlo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa maanta soo fariisanaya Xafiiskiisa Villa Hargeysa, Iyadoo lagu wado inuu halkaasi ku qbato SHir Jaraa’id.

Guddoomiye Mursal ayaa degan guriga Martida Madaxtooyada, gaar ahaan Dhismaha loo yaqaano Villa Uganda oo uu degenaa tan iyo markii loo doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, hase ahaatee wuxuu Saxaafada kula hadli doonaa Xafiiskiisa Villa Hargeysa oo ku dhegan Madaxtooyada.

Xildhibaano xalay u tagay Gudoomiye Mursal, ayaa inoo sheegay inuu ka hadli doono; Xaalada guud ee dalka, Wararka la xiriira inuu xabsi guri ku jiro iyo xiliga fadhiyada baarlamaanka la horgeyn doono Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

Illo ku dhow Mursal, ayaa soo sheegaya inuu haatan socdo qaban qaabada lagu diyaarinayo Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha, Waxaana Villa Hargeysa ku sii qul qulaya Suxufiyiinta oo isu diyaarinaya soo tabinta Shir Saxaafadeedka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Todobaadkii hore dalka deg deg ku soo galay, ayaa qabtay gelinkii danbe ee Axadii, Mooshin ay soo gudbiyeen 92 Xildhibaan kaa soo ka dhan ah Madaxweynaha dalka Framaajo.

Mooshinkaas, ayaa saameeyay shaqooyinkii Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, waxaana baaqday laba kamid ah kulamadii Baarlamaanka ee maalmaha Sabtida iyo Isniinta, iyadoo isha lagu wada hayo oo kaliya halka uu saldhigan doono culeyska la saaray Villa Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here