Dabley hubaysan oo deegaanka Kalifi ee dalka Kenya ka afduubtay haweenay u dhalatay Talyaaniga

0
551

Dabley hubaysan oo deegaanka Kalifi ee dalka Kenya ka afduubtay haweenay u dhalatay Talyaaniga

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Haweenay Talyaani ah lagu afduubtay deegaanka Kalifi ee dalkaas, markii ay weerareen koox hubeysan.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Bisha cas ee Kenya ayaa sheegay in Haweenayda la weeraray lana afduubtay, islamarkaana ay illaa hadda ku daba jiraan ururinta xogta cidda afduubka geysatay.

Isaga oo Taleefanka kula hadlaayay Wargeyska The Star ayuu Xasan Muuse oo ka tirsan Bisha cas sheegay in shan Nin oo Soomaali ah ay weerar ku qaadeen Guri carruurta wax lagu baro oo ay Haweeneyda Talyaaniga ah ku sugneyn sidaasna weerarka ku dhacay.

Waxaa uu xusay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 7 Qof oo mid ka mid ah oo Haweeney ah ay dhaawac halis ah tahay kaddib markii ay Rasaasta kaga dhacday Xabadka.

Waxaa uu sheegay in ay isbitaal ku yaalla degaanka Malindi u direen dhaawacyada si halkaas loogu daweeyo.

Boolis fara badan ayaa loo daabulay degaanka Xeebta ee Kalifi,halkaas oo la sheegayo in lagu tuhmayo in ragga Haweeneyda Afduubtay ay la aadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha weerarkaas geystay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab inkasta oo aysan Al-shabaab sheegan ilaa hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here