London Oo Lagu Arkay Taallo Lagu Muunaynayo Sadaam Xuseen +SABABTA

0
1195

London Oo Lagu Arkay Taallo Lagu Muunaynayo Sadaam Xuseen +SABABTA

Dadka kunool xaafad katirsan magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa lama filaan waxaa ku noqotay in xaafadooda ku arkaan qoraal lagu xusayo Saadaam Xuseen Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.

Qoraalka oo lagu dul qoray bir lasoo qurxiyay ayaa laga taagay wado dhax marta xaafad katirsan magaalada London, waxaana qoraalka oo kalgaceyl ka muuqday lagu qoray taariikhdii uu dhashay Saadam ee 1937 iyo taariikhdii la dilay oo aheyd 2006.

Qaar kamid ah dadka kunool xaafada lagu arkay qoraalka lagu xusayay Saadaam Xuseen ayaa aad uga carooday, waxa ayna dadka qaar sheegeen in ay aad u dhibsadeen qoraalkaasi ay arkeen.

”Run ahaantii aad baan u argagaxay, anoo socda un baan isha ku dhuftay qoraalkaas, run ahaantii aad baan u dhibsaday, waxaanan isku dayey bal inaan hubsado in waxaan arkayaa dhab yahay iyo in kale”.Ayey tiri haweeney kamid ah dadka deegaanka.

Qoraalkan xasuusta Saadaam Xuseen ayaa markii dambe laga fujiyay halkii lagu dhajiyay, waxa ayna sheegeen maamulka deegaanka in aysan jirin cid ay ruqsad u siiyeen in qoraalkan  goobtaasi ku dhajiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here