9 Nin oo u dhashay Masar oo loo maxkamadeynayo Doon ku degtay Xeebaha Giriigga.
Dowladda Giriigga ayaa Maxkamadeyneysa 9 Nin oo u dhashay Jamhuuriyadda Carabta Masar oo ku eedeysan in ay mas’uul ka ahaayeen tahriibayaal ku dhammaaday xeebaha Dalkaas oo tiro ahaan gaaraya 79 ruux.
Qareenno ka difaaca kiiska lagu soo oogay sagaalkaan ruux ayay Dowladdu u qabatay si muddo 24 saac ah ay uga jawaabaan su’aalaha la xiriira in ay ku lug leeyihiin kiiskaan loo heysto ee dhimashada Dadka badan ku diiwaangashan.
Saraakiil katirsan Ciidamada ammaanka Giriigga ayaa ku warramay in Raggaan u dhashay Masar ay ka shaqeynayeen tahriibinta Dadka si gaar ah Doonta ku degtay Xeebaha Dalkaas oo weli la raadinayo qaar kale oo la socday Doonta.
Eedeyn culus ayaa loo jeediyay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Giriigga waxaana lagu dhaliilay in ay gabeen mas’uuliyadda ka saaran ka warqabka Doomaha Tahriibayaasha, badbaadinta marka mashaqo dhacdo iyo in ay ku guuldareysteen helista xog dhammeystiran.
Muwaadiniin u badan Dalka Pakistan ayaa ku dhintay Xeebaha Giriigga kuwaas oo u jiheysnaa Talyaaniga si ay usii galaan Safar ay isaga kala gudbayaan Waddamada kale ee Qaaradda Yurub oo ay u arkaan in ay ka helayaan nolol uga wanaagsan midda dalalkooda.
Hay’adda Socdaalka Adduunka IOM ayaa sheegtay muddooyinkii dambe xeebaha Giriigga ay ku dhinteen boqolaal ruux oo tahriibayaal ah kaddib markii ay la rogmatay doontii ay la socdeen, halka qaar kale la badbaadiyay.
Raggan markii maxkamadda la horkeenay, waxaa dacwad ooguhu u qabtay garyaqaanada u doodaya inay muddo 24 saacadood ah, jawaabo kaga soo bixiyaan eedo cusub oo soo baxay.