71 ruux oo kasoo noqotay Xaflad Aroos oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Itoobiya

0
36
9358BO-ETHIOPIA-AIRPLANE__O_

71 ruux oo kasoo noqotay Xaflad Aroos oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Itoobiya

Ugu yaraan 71 ruux ayaa ku geeriyootay shil ka dhacay Degmada Bona ee Dhanka Koofureed uga beegan Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya kaddib markii Gaarigii ay la socdeen uu waddada ka baxay.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa kusoo waramay in Gaariga weyn ee Nooca Xamuulka qaada oo ay la socdaan Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay iyaga oo kasoo noqday Xaflad Aroos oo ay kasoo qaybgaleen.

Dadka la xaqiijiyay geeridooda ee tiradooda lagu sheegay 71da ruux ayaa kala ah 68 Rag ah 3 Dumar ah, dhammaan Dadkaas waxa ay ahaayeen Dhallinyaro asaxaab la ah Lamaanaha Xafladda aqal galkooda ay ka qaybgaleen.

Madaxa Dowladda Hoose ee Deegaanka Musiibadu ka dhacday oo lagu magacaabo Mate Mengesha ayaa sheegay in xaaladdu ay adkeyd markii dhibaatadu ku dhacday Dadka la socday Gaariga Xamuulka ah ee shilkaas galay.

Itoobiya oo dhul buuraley u badan waxaa kusii kordhay shilalka Gaadiidka rogmanaya iyo kuwa ka baxaya Waddooyinka, Sababta ugu weyn ee la aaminsan yahay waa in Wadayaasha kaxeeya Gaadiidka ay cabaan walxaha maanka-dooriya.