32 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Gobol Ay Isku Hayaan Dalalka Sudan Iyo Koonfurta Sudan

0
82

32 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Gobol Ay Isku Hayaan Dalalka Sudan Iyo Koonfurta Sudan

Weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee ay kala sheeganayaan Suudaan iyo Koonfur Suudaan ayaa waxaa ku dhintay 32 qof oo uu ku jiro askari nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah.

Wakiilka dawladda ee gobolka Abyei, oo ah dhul qani ku ah saliidda oo lagu muransan yahay kuna yaalla soohdinta labada dal, ayaa cambaareeyay weerarradii aroornimadii Axadda ka dhacay laba gobol oo ay geysteen maleeshiyaad hubaysan iyo askar xirnaa darayska ciidanka qaranka Koonfur Suudaan.

Bulis Koch Aguar Ajith, oo ah wasiirka warfaafinta ee Abyei, ahna afhayeenka koonfurta Sudan ee gobolka, ayaa bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Axadii ku sheegay in weerraradani ay ku dhinteen 32 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20 qof.

Waxa uu sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay askari ka tirsan ciidamada UNISFA ee howlgalka nabad ilaalinta QM halkaasi u jooga, uuna askari kale ku dhaawacmay laakin waxa uusan bixin faahfaahin intaasi ka badan.

Koonfurta Suudaan ayaa ku baaqday in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo weerarradaasi.

Abyei oo ku taalla aag u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfur Suudaan, ayaa ahayd meel ay labada dal isku hayaan tan iyo markii ay Koonfurta Suudaan xornimada qaadatay 2011-kii.

Isha: VOA