3 Maxbuus oo Israa’iil ah oo maanta la dhaafsanayo 183 Falastiiniyiin ah

0
11

3 Maxbuus oo Israa’iil ah oo maanta la dhaafsanayo 183 Falastiiniyiin ah

Maalintii afaraad ee maxaabiis is dhaafsiga ayaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in ay dhacdo, Xamaas ayaa gudbisay Liiska Maxaabiista ay sii deyneyso iyo kuwa ay dalbatay in loo dhaafsado ama dhankooda loosoo daayo.

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, saddexda Yuhuudda ah ee maanta lasii deynayo labo kamid ah waxa ay kala heystaan dhalashada Maraykanka iyo Faransiiska halka Maxbuuska saddexaad aanay jirin dhalasho ka baxsan tan Israa’iil oo uu heysto.

Dadka la deynayo waxaa kamid ah 111 qof oo Gacanta Israa’iil galay 7dii Oktoobar 2023 kaddib markii Ciidanka Yuhuudda ay qaadeen weerar rogaal celis ah oo ay ku sheegeen in ay uga jawaabayeen Maxaabiis dhankooda laga so kaxeystay.

Magacyada Maxaabiista Israa’iil ee saddexda ah iyo dhalashadooda labaad ayaa kala ah:

Yarden Bibas oo keliya heysta dhalashada Israa’iil waa 35 jir, Keith Siegel waa 65 jir dhalashadiisa labaad ay tahay Maraykanka, waxa uu kasoo jeedaa North Carolina halka qofka saddexaad uu yahay Ofer Kalderon waa 53 jir dhalasho labaad ka heysta Faransiiska.