21-Oktobar; Afgembigii sababay Burburka iyo dagaalka Soomaaliya!
21-Oktober-1969, 6 Maalin kaddib dilkii Allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya afgenbigii loo bixiyey Inqillaabkii caddaa, oo malaha loola jeeday in aan dagaal loo adeegsan hirgelintiisa, taasina waxa ay ku dhacday in koox ka tirsan ciidanka XDS oo derejo sare ka joogay ciidamadu ay si farsameysan u abaabuleen afgenbiga.
Ka hor dilka Ahun Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxa jiray doodo ka taagaan doorashadii June 1967dii, kala qaybsanaan u dhaxeysay mucaaradka iyo qabaa’ilka qaarkood oo u arkayey in saami wadaagga siyaasadda ay ku dulman yihiin, waxa kale oo jiray xisbiyo waday olole ka dhan ah madaxweynaha iyo xisbigiisa SYL kuwaas oo sheegayey in lacag farabadan oo dowladdu leedahay loo adeegsaday si gaar ah, islamrakaana is xun loo maamulay dhaqaale gargaar ah oo ay dowladda Soomalaiya ka heshay dibadda.