Xuutiyiinta Oo sii Daayay Markab Somaliya ka Baxay oo ay Qafaasheen

0
35

Xuutiyiinta Oo sii Daayay Markab Somaliya ka Baxay oo ay Qafaasheen

Markab xoolo sida oo ka shiraacday magaalada Boosaaso ee dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa la weeraray xilli uu marayay xeebaha badda Cas ee dalka Yemen, sida ay sheegayaan xogta Marine Traffic iyo ilo dhinaca maraakiibta ah.

Markabkan oo lagu magacaabo Merinos Livestock ayaa ka baxay Boosaaso 21-ka July isaga oo ku sii jeeday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, balse waxaa lagu weeraray qiyaastii 35 mayl badeed oo u jirta koonfur-galbeed magaalada Xudayda (Hodeidah) ee Yemen.

Wararka, ayaa sheegaya in rag hubeysan oo saarnaa doon alwaax ah ay rasaas fureen markabka, iyaga oo ku amray inuu u leexdo dekedda Mokha ee dalka Yemen.

Markabkii ayaa markaas kadib si buuxda u rogay jihadiisa, wuxuuna u jeestay dhanka Mokha. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in markabku uu marayay meel ka baxsan marinka amniga badda ee la oggol yahay, gaar ahaan bariga jasiiradaha Hanish, taas oo laga yaabo inay keentay in la bartilmaameedsado.

Markabkan oo ay leedahay shirkad laga leeyahay Giriigga oo la yiraahdo IMS Greece Co., islamarkaana wata calanka dalka Comoros, lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka.