Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Mar Kale Weeraray Maraakiibta Gacanka Cadmeed

0
77

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Mar Kale Weeraray Maraakiibta Gacanka Cadmeed

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacanta ku haysa caasimadda Sanca iyo qaybo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Yemen, ayaa weerar ku qaaday markab kale oo marayey gacanka Cadmeed, ka dib markii ay dalkaasi ka dhaceen weerarro dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Hogaamiyaha ugu sareeya ee Iran ayaa ku dhiiri galinaya Xuutiyiinta, oo u adeegaya sida wakiilka Iran ee gobolka, inay sii wadaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa khatar ku ah inay sii xumeeyaan xiisadaha ka taagan gobolka iyo dhaqaalaha jilicsan ee dowlado badan oo ku yaala gobolka.