Xuuthiyiinta Yemen oo digniin dul dhigay shirkadaha la wareegaya maraakiibta Israel

0
40

Xuuthiyiinta Yemen oo digniin dul dhigay shirkadaha la wareegaya maraakiibta Israel

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in shirkadaha Israel ay bilaabeen in gaadiidkooda badda ay ka iibiyaan shirkado laga leeyahay dalal kale amaba u diiwaangashan ayaga, si looga baxsado weerarada ay Xuuthiyiinta ku burburinayaan maraakiibta laga leeyahay Israel.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in tani looga gol leeyahay in looga baxsado dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatay go’doominta ay ku hayaan Dekedaha Israel.

Menu

Search for


Xuuthiyiinta Yemen oo digniin dul dhigay shirkadaha la wareegaya maraakiibta Israel
News DeskNovember 5, 2024 2 minutes read
Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in shirkadaha Israel ay bilaabeen in gaadiidkooda badda ay ka iibiyaan shirkado laga leeyahay dalal kale amaba u diiwaangashan ayaga, si looga baxsado weerarada ay Xuuthiyiinta ku burburinayaan maraakiibta laga leeyahay Israel.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in tani looga gol leeyahay in looga baxsado dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatay go’doominta ay ku hayaan Dekedaha Israel.


Afhayeenka ayaa sheegay in Israeliyiinta ay doonayaan in maraakiibtooda ay ka sii shaqeeyaan gobolka, iyagoo markaasi huwan magacyada shirkado laga leeyahay dalal aanu magacaabin.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay in shirkadaha ganacsiga ee Israel aysan ka baxsan doonin weerarada lagu bartilmaameedsanayo maraakiibtooda iyo kuwa kale ee caalamka ee cilaaqaadka la leh dekedahooda, inta uu socdo dagaalka Gaza.

“Tallaabada Maamulka Sahyuuniyadda ay maraakiibtooda ama saamiyadooda ugu wareejinayaan dhinacyo kale oo saamayn leh, ma keeni doonto inay ka baxsadaan ciqaabta Yemen, illaa iyo inta laga soo afjarayo dagaalka Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Sanca ayaa yiri “Tallaabadan waxaa loo qaaday, si loo qiyaamo oo looga xeeladeysto ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ee ku wajahan maraakiibtan ama shirkadaha Sahyuuniyadda.”

Yahya Saree oo sii hadlayay ayaa yiri “Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ma aqoonsana is bedeladan lagu sameeyay lahaanshaha maraakiibta iyo calaamadda Maamulka Sahyuuniyadda ee la bedelay.”

General Yahya Saree ayaa uga digay dalalka kale ee ku lugta leh arrintan inaysan dhibane u noqon dagaal aan iyaga khuseyn, ayna tahay in hadda ay ka fogaadaan kaalmeynta Israel.

“Waxaan uga digaynaa wax kasta oo iskaashi ah oo ay la yeeshaan maraakiibta iyo shirkadaha ee Maamulka Sahyuuniyadda, kuwaa oo ujeedkoodu yahay inay ka baxsadaan ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen.” Ayuu yiri General Saree oo intaasi ku daray inaanan la ogolaan doonin inay maraan xeebaha dalka Yemen.

Farriinta General Saree ayaa loo fasirtay mid si toos ah ugu socoto dalka Emirate-ka Carabta, maadaama uu yahay dalka ugu weyn ee gobolka ee isku dayaya in la jebiyo go’doominta ay Xuuthiyiinta ku hayaan Dekedaha Israel iyo weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa tan iyo 19-kii bishii November ee sanadkii hore weeraro ku haya maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee taga dekedahooda, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Xuuthiyiinta ayaa isku dayaya in ay Israel ku cadaadiyaan inay soo afjarto go’doominta ay muddada dheer ku hayso dadka reer Gaza iyo in ciidamadeeda kala baxdo meelaha ay ka joogaan Marinka Gaza.

Taasi bedelkeeda Emirate-ka Carabta ayaa isku dayaya in ay Israel ka qafiifiyaan saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay awaamiirta ay Xuuthiyiinta Yemen ka soo saareen inaanan la tagi karin dekedaheeda.

Maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee lagu khasbay inaysan tagi karin Dekedaha Israel ayaa billihii u dambeeyay shixnadaha gaynayay dalka Emirate-ka Carabta, halkaas oo inta gaadiid looga qaado lagu geeyo Israel, iyadoo markaasi la sii marayo Sacuudiga iyo Jordan.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa marar badan sheegay inaysan ka laaban doonin tallaabooyinka ay ku wiiqayaan dhaqaalaha Israel, inta raashiinka iyo nabadgelyada loo diidan yahay dadka Gaza.

Abdul-Malik Al Houthi ayaa wacad ku maray inaysan dhageysan doonin hanjabaadaha iyo weerarada uga imanaya xulafada Israel ee reer galbeedka, oo Mareykanka uu ugu horreyo, iyadoo aan la qaadin go’doominta Gaza, lana joojin dilka lagu hayo shacabka aan hubeysneyn.