Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya Zimbabwe is aragga labaad ee is reeb reebka Koobka Adduunka

0
521

Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya Zimbabwe is aragga labaad ee is reeb reebka Koobka Adduunka

Xulka Qaranka ee kubadda cagta Soomaaliya ayaa galabta la ciyaaraya Xulka Zimbabwe oo ah is aragga labaad ee is reeb reebka Koobka Adduunka, iyadoo ciyaartan ka dhaceyso magaalada Harare ee Caasimadda Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa is araggii hore oo ay ku ciyaartay dalka Jabuuti waxay guul taariikhi ah ka gaartay xulka Zimbabwe, waxaana ay ku dhamaatay 1-0 oo dhammaadkii ciyaarta oo ciyaaryahan Anwar u dhaliyay Xulka Qaranka Soomaaliya.

Ciyaarta galabta ayaa si aad ah isha loogu hayaa, waxaana xulka Qaranka Soomaaliya laga doonayaa inay ilaashadaan goolkooda, si aan goolal badan looga dhalin guriga Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa heysata rajo wanaagsan, taasoo ah haddii ay ciyaarta ku dhamaato barbar dhac goolal la’aan ay u soo bixi doonto wareegga Group-yada ee Is reeb reebka Koobka Adduunka.

Zimbabwe ayaa laga doonayaa si ay ugu soo baxdo wareegga Group-yada inay dhaliso 2-0, laakiin haddii garoonkooda gool looga dhaliyo sidaas waa ay ku hartaa, mar walba oo natiijada ay gaarto farqiga goolasha ee loo yaqaano Away Goal Soomaaliya ayaa ku soo baxda, Zimbabwe waxaa laga doonayaa inay goolal badan keensato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here