Xukuumadda & Mucaaradka Somaliland ma u xal baa qodobada uu soosaaray Guddiga Ganacsatada ee dhexdhexaadinta ka dhex sameeyay?

0
239

Xukuumadda & Mucaaradka Somaliland ma u xal baa qodobada uu soosaaray Guddiga Ganacsatada ee dhexdhexaadinta ka dhex sameeyay?

Guddi Ganacsato ah oo u istaagay xal u helista Khilaafka siyaasadeed ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi & Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID ayaa soosaaray qodobo u muuqda in ay dan u tahay labada dhinac.

Xubnaha Guddiga ayaa go’aankooda ku saleeyay in qodobada lagu muujiyo arrimaha ugu muhiimsan ee salka u ah muran siyasadeedka Xukuumadda Muuse Biixi & Axsaabta Mucaaradka ee u midoobay.

Maxaa faaiido u ah Xukuumadda oo lagu soo daray qodobada Guddiga?

Guddiga Ganacsatada Somaliland ka socday ee dhexdhexaadinta sameeyay isla markaana go’aanka kasoo saaray waxyaabaha uu u arko in ay xal u yihiin dhexdhexaadintooda ayaa sheegay in Xisbiyada la ballaariyo oo laga qaybgaliyo Doorashada.

Qodobkaan waa mid si gaar ah ay u daneyneysay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waana doodda ugu weyn ay kala hortageysay Xisbiyada Mucaaradka oo ku dooday in waqti lumis ay uga gol leedahay Xukuumaddu.

Maxaa dan u ah Xisbiyada Mucaaradka oo lagu soo daray bayaanka?

Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani & UCID ayaa muddo dood ka dhiganayay in la qabto Doorashada ku beegan 13ka November 2022 ee Madaxtooyada, waxa ay Xukuumaddu ku dhaliileen in ay kaga caga-jiideyso arrintaas.

Sidee ayuu Guddigu isugu dhafay labada qodob ee Xukuumadda & Mucaaradku kala wataan?

Guddiga Ganacsatada ah ee isku xilqaamay xal u helista Khilaafka Siyaasiga ah ee Xukuumadda & Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa soo jeediyay in si wadajir ah oo isku sidkan loo qabto Doorashada Madaxweynaha & tan Xisbiyada.

Waxa uu qiil ka dhigtay in iyada oo la eegayo faaiidada dhaqaale ee Doorashooyinkii isku sidkanaa laga dhaxlay in loo baahan yahay in dhabbahaas markale dib loo maro si aanay waqti & hanti kale lagu khasaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here