Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ku goodiyay in dalkiisa uu difaacayo Israa’iil
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio oo ku sugan Israa’iil waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan isaga oo sheegay in uu difaacayo qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee dejinta xaaladda Bariga Dhexe.
Marco Rubio ayaa ka digay in laga shaqeeyo dedaallada ka dhanka ah Israa’iil sida dib u soo celinta waxyaabaha dhalin kara xanafta ee colaadda cusub abuuri kara, waxa uu tusaale usoo qaatay in lagu cadaadiyo Tel Aviv in ay dib u celiso dhulkii ay qabtay 1967.
Rubio ayaa xeendaab aan laga gudbi Karin ku tilmaamay qodobadii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku guntay soo afjaridda dagaalka Gaza si nabad, xasilooni iyo is qadarin loogu noolaado Bariga Dhexe sida uu hadalka u dhigay.



























