Xisbiga haya talada Ruushka oo kuraas ku lumiyay doorashadii golaha Deegaanka ee Moscow

0
536

Xisbiga haya talada Ruushka oo kuraas ku lumiyay doorashadii golaha Deegaanka ee Moscow

Xisbiga haya talada ruushka ee loo yaqaan United Russia party, ayaa lumiyay sadex meelood meel lumiyay kursiga aqalka golaha deegaanka kadib doorashadii gobolada ee shalay Dhacday.

Wakaalada wararka ruushka ayaa sheegtay in badi xisbiga haya talada uu hantay aqlabiyada kuraasta hoose ee Barlamaanka magaalada Moscow.

Xisbiga uu hogaamiyo Putin ayaa dhanka kale ku guuleystay baraasaabka magaalada St. Petersburg iyo 15 gobol oo kale oo ka mid ah Ruushka.

Natiijada ka soo baxday doorashada ayaa waxaa saluugay xisbiyada Mucaaradka, waxaana ay ku soo aadeysaa iyadoo dibadbaxyo xoogan ay mucaaradku dhigayeen todobaadyadii la soo Dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaa tijaabo u ah loolan uu gali doono xisbiga haya talada marka la gaaro sanadka 2021-da oo la qaban doono doorashada Baarlamaaniga Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here