Tuesday, November 3, 2026
Home WARAR Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Xeebaha Liibiya

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Xeebaha Liibiya

0
35

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Xeebaha Liibiya

Dhallinyaro Soomaali ah oo Dalka Liibiya u tagay in ay uga sii tahriibaan Qaaradda Yurub ayaa la sheegay in ay qaarkood ku dhinteen Xeebaha Dalkaas halka qaar kale lasoo badbaadiyay sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Si dhab ah looma sheegin tirada dadka dhintay iyo sababta ka dambaysay in doonta ay la socdeen ay rogmato waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo Dad la waayay si loo helo sida wararku sheegayaan.

Ciidanka ilaalada Xeebaha Liibiya oo kaashanaya Mas’uuliyiin ka kala tirsan Hay’adaha Socdaalka iyo Qaramada Midoobay ee Qaramada Midoobay hoostaga ayaa wada howlgallo lagu soo qabanayo Dadka Tahriibka u tagay Dalkaas.

Inkasta oo Soomaali badan laga soo qaaday Dalka Liibiya waxaa weli jira Dhallinyaro kale oo qaarkood ku xiran Xabsiyada halka kuwo kale ay ku sugan yihiin guryo lagu hayo si marka ehelkooda lacagaha ka shubaan loo saaro Doon.

Badda Mediterranean waxaa ku dhintay sannadkaan tahriibayaal badan iyada oo ay u badan yihiin Dadkaas Soomaali, Itoobiyaan, Eretariyaan iyo Dalal kale oo u badan kuwa colaaduhu ka jiraan ee Afrika iyo Aasiya.