Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Soomaalida ku nool Maraykanka ugu baaqday in ay codkooda siiyaan Cumar Faatix

0
9

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Soomaalida ku nool Maraykanka ugu baaqday in ay codkooda siiyaan Cumar Faatix

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa olole xooggan u muujisay Cumar Maxamed Faatix oo ah Soomaali-Ameerikaan u tartamaya xilka Maayarka Minneapolis, waxaana ay sheegtay in codayntu ay tahay mid lagu helo kalsoonida.

 

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in waqti badan ay gelisay sidii Cumar uu ku heli lahaa kursiga uu doonayo maadaama waxa keliya ay ku dooratay howshaan ay tahay shaqadiisa, kalsoonidiisa, daacadnimadiisa iyo fulinta ballanqaadyada uu sameeyo.

 

Waxa ay dadka isugu soo baxay garab istaagga wiilkaan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ugu baaqday in ay u degdegaan goobaha codbixinta isla markaana codkooda ku aaminaan si uu u noqdo Maayarka Minneapolis ee guusha hela.