Xiisad Ka Taagan Magaalada Buuhoodle Iyo Sababta Keentay

0
485

Xiisad Ka Taagan Magaalada Buuhoodle Iyo Sababta Keentay

Warar la helayo ayaa sheegaya in Magaalada Buuhoodle ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Ganacsatada waaweyn ee deegaankaas iyo Ganacsado yaryar oo kasoo jeeda Koonfuta Soomaaliya.

Xiisad ayaa ka dhalatay muran ku aadan badeecadaha kala duwan iyo dharka ee lagu iibiyo gudaha Buuhoodle, waxaana labada dhinac ee Ganacsatada ah ay isku heystaan qiimaha la iibinayo badeecadaha yaalla halkaas.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in Ganacsatada waaweyn ee deegaanka ku ah Magaalada ay badeecadaha dadka uga iibinayaan qiimo sare, halka Ganacsatada yaryar ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku iibinayaan qiimo aad u yar.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ganacsatada waaweyn laga iibsan waayay badeecado kala duwan oo ay keeneen, isla markaana ay khasaareen, dadkuna ay u wareegsadeen dhinaca Ganacsatada kasoo jeeda Koonturta ee qiimaha yar ku iibinaya badeecadaha.

Ganacsatada Buuhoodle ayaa la tilmaamay inay doonayaan in Magaalada laga saaro Ganacsatada yaryar ee kasoo jeeda Koonfurta, isla markaana dib loogu celiyo Gobolladii ay ka yimaadeen markii horey, si xal looga gaaro muranka halkaas ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here