Xabad Joojin La Kala Dhexdhigey Beello Ku Dagaallamay Koonfurta Gobolka Sool
Guddiga nabadeynta deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xabad joojin ay kala dhexdhigeen beelihii dhowaan ku dagaallamay deegaankaasi.
Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil, guddoomiyaha guddigaas ayaa sheegay in Labada dhinac ay ka aqbaleen xabad joojintii islamarkaana ay wadaan sidii loo sii guda geli lahaa arrimaha kale ee dib u heshiisiinta.
Guddigooda ayuu sheegay inuu ku howlan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu heshiis nabadeed ku kala dhexdhigo beelahan dagaallamay.
“Labada dhinac waxay ku mahadsan yihiin iney innaga aqbalaan xabad joojin la kala dhex dhigey, waxaan wadnaa dedaallo dheeraad ah, waxaana jecalnahay in heshiis aan kala dhexdhigno beelahan” ayuu yidhi Dr. Axmed Jaamac.
In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyooday dagaal Toddobaadkii tegay dhexmaray beello wada deggan deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, iyadoo waxgaradka gobolkaasina wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah.