Xaaska madaxweynaha Faransiiska oo si kulul ugu dagaallantay dacaayado sheegaya in ay nin ahaan jirtay

0
34

Xaaska madaxweynaha Faransiiska oo si kulul ugu dagaallantay dacaayado sheegaya in ay nin ahaan jirtay

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Marwada Kowaad ee dalkaasi Brigitte ayaa Arbacadii maxkamad Mareykan ah u gudbiyay dacwad sumcad dil ah oo ka dhan ah muuqaal-sameeye garabka midig ah oo la yidhaahdo Candace Owens. Dacwadda oo laga gudbiyay Delaware ayaa sheegaysa in Owens ay aflagaado kula kacday Brigitte Macron oo ku tilmaantay in asalkeedii hore ay nin ahaan jirtay. Waxa ay ku doodeen in Owens ay faafisay been si ay u ceebaynayso marwada qaranka oo ay gaadhsiisay adduunka oo dhan si ay u hesho daawasho iyo taageerayaal.