Xaaladda Bariga Dhexe oo kasii dareysa & Xamaas oo jawaab laga sugayo

0
19

Xaaladda Bariga Dhexe oo kasii dareysa & Xamaas oo jawaab laga sugayo

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa bilihii u dambeeyay sii adkaaneysay kaddib markii Ciidanka Israa’iil weerarro ay ka fuliyeen Dalalka Iiraan, Lubnaan iyo Falastiin ay ku dileen saraakiil muhiim ah marka la eego dagaalka ay ku jirto.

Dhacdadii ugu dambeysay inkasta oo aanay si dhab ah u Xamaas u xaqiijin in uu geeriyootay Yahye Sinwaan balse Israa’iil, Maraykanka iyo xulufadeeda kale ayaa si rasmi ah u sheegay in la dilay hoggaamiyahaas xilka muddada kooban haya.

Aamusnaanta Xamaas ayaa keentay shaki cusub oo la xiriira in dadka inta badan ay wax iska weydiiyaan sheegashada Israa’iil iyo Maraykanka ee ah in ay dileen Yaxya Sinwaan maadaama dhaqdhaqaaqaas looga bartay in uu sheegto qofkii laga dilo.

Sarkaal sare oo katirsan ragga howlgabka ah ee Israa’iil oo muddo dheer kasoo shaqeeyay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in aamusnaan Xamaas labo mid in ay tahay waa marka koobaad in ay qorsheyneyso weerarro jawaab ah ama uu hoggaamiyaas nool yahay.

La soco wixii kasoo kordha