Webiga Shabeelle oo ku fatahay tuulooyin hoostaga Jowhar.

0
281

Webiga Shabeelle oo ku fatahay tuulooyin hoostaga Jowhar.

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ka geystay tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar Xarunta DG Hir-Shabeelle, Dadka deegaanka oo u badan Beeraley ayaa ka barakacay deegaannadooda si aanay waxyeello uga soo gaarin fatahaaddaas.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Guddoomiyaha Magaalada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar Beerey, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka DG Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta tegay tuulooyinkaas.

Waxa ay soo arkeen tuumo lagu daadgureynayo qaar kamid ah qoysaska ku go’doomay tuulooyinka qaar ee Magaalada Jowhar xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyaga oo ugu dambeyn la hadlay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Magaalada Jowhar ayaa Wasaaradda Caafimaadka DG Hir-Shabeelle ugu baaqay in ay kahortag ku sameyso xannuunada ka dhalan kara fatahaadda Webiga Shabeelle, halka Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka uu u weydiiyay gurmad degdeg ah.

Qaar kamid ah qoysaska saameynta taban ay ku reebtay fatahaadda Webiga Shabeelle ayaa sheegay in dhibaatooyin nololeed ay ka jirto tuulooyinkooda oo kahor fatahaaddu ay u baahnaayeen biyo ay cabbaan maadaama 20ka Liitar ee biyaha ah la iibinayay 10 kun oo Shillin Soomaali ah una dhiganta ($0.5).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here