“Waxa inoogu daran niman Qaxooti ah oo wadaado sheeganaya oo Nayroobi jooga,” Eng Faysal Cali Waraabe
Guddoomiyaha xisbigii hadhay ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa hadal adag ka jeediyay munaasabad qalin-jabin ah oo lagu qabtay Jaamacadda Adna Aadan, isaga oo si cad u sheegay in Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ay ku mideysan yihiin qorshe lagu burburinayo Somaliland.
Faysal Cali Waraabe wuxuu si adag u muujiyay dareenkiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo cadaawada Soomaalida inteeda kale ay u hayaan Somalilamd Isaga oo arrintaasi ka hadlaya wuxuu yidhi:
“Dalkeena maanta waa ogtahay waa la inoo tashaday, Soomaali meel ay joogtaba, Bari iyo Galbeed, meel kastaba waxay ku heshiiyeen inay ina burburiyaan, wax aynu danbi galnayna garan mayno.”
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay culimada ku sugan magaalada Nairobi, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay weerar afka ah iyo mid fikirba ku hayaan Somaliland, gaar ahaan shakhsiyaad ka mid ah haldoorka bulshada, sida Adna Aadan.
“Waxa inoogu daran niman Qaxooti ah oo wadaado sheeganaya oo Nayroobi jooga, oo shalayna aflagaadaynayay Hoyadeen Adna Aadan, inagana inagu haya dagaal wayn,” ayuu yidhi Faysal.
Ugu dambayn, Faysal Cali Waraabe wuxuu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay midoobaan una istaagaan difaaca qaranimada, wuxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada gudaha iyo difaaca sumcadda Somaliland meel kasta oo weerar uga yimaado.