Wasiirka Gaadiidka Ruushka oo isdilay ka gadaal markii Madaxweyne Putin uu xilka ka qaaday

0
18

Wasiirka Gaadiidka Ruushka oo isdilay ka gadaal markii Madaxweyne Putin uu xilka ka qaaday

Wasiirkii hore ee gaadiidka Ruushka Roman Starovoit ayaa is dilay shalay, ka dib saacado uun markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu xilka ka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha.

Wareegtada lagu shaaciyay xil ka qaadistiisa ayaa lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee Kremlin-ka, iyadoo ku xigeenkiisa Andrey Nikitin loo magacaabay ku simaha wasiirka.

Guddiga baarista ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen sida ay wax u dhaceen.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in Starovoit uu ku lug lahaa baaritaan ku saabsan lunsashada hantida qaranka ee loo qoondeeyay dhismo dhufeysyo ah oo gobolka ah.

Kahor inta uusan noqon wasiir May 2024, Starovoit ayaa ahaa gudoomiyaha gobolka Kursk ee koonfurta Ruushka, isaga oo shaqada ka tagay ka hor dagaalkii Ukraine, xilli lagu eedeeyay fashilka amni ee gobolka Ruushka.