Wasiirka arrimaha Gudaha oo Masuuliyiinta Gobolka Maroodi-jeex kala shirey Adkeynta Amniga Gobolka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxmed Carab, ayaa xafiiskiisa kula shirey guddoomiyaha iyo ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Axmed Maxamed Cadaad iyo Weli Cabdi Jaamac.
Shirkani intii uu socday waxa ay wasiirka iyo masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex, kawada hadleen hawl-socodsiinta xafiiska gobolka iyo sidii xil weyn la isaga saarilahaa adkeynta amniga iyo nabadgelyada.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada ay Qaranka iyo bulshadaba u hayaan masuuliyiint gobolku.
Shirkan ayaa ka dhacay xafiiska wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland ee magaalada Hargeysa.