Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo looga yeeray Baarlamaanka

0
545
????????????????????????????????????

Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo looga yeeray Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa si deg deg ah ugu yeeray mas’uuliyiinta Hey’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya, si wax looga weydiiyo xaalada amni ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa lagu ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana maalinta Sabtida oo taariikhda ku beegan 6 April loo yeeray Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kulanka maalinta Sabtida looga hadlayo oo kaliya arrimaha amniga, waxaana tani ay ka dambeysay, kaddib markii labaatameeyo Xildhibaan ay soo jeediyeen mooshin lagu dalbanayo in kulanka Baarlamaanka looga hadlo arrimaha amniga.

Xubnaha loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)

Halkan hoose ka akhriso magacyada xubnaha loo yeeray:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here